Follow us:-

TABABAR KU SAABSAN TAYO-DHOWRKA JAAMACADAHA PUNTLAND

Jamacadda Citycot oo tababar ku saabsan Tayo-dhowrka Jaamacadaha Puntland kaga qaybgashay Garowe.

Garoowe, Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland Mudane Maxamed Diiriye Gama’diid ayaa 04/5/2024 ka daahfuray magaalada Garowe, 𝐭𝐚𝐛𝐚𝐛𝐚𝐫𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱-𝐪𝐚𝐲𝐛𝐞𝐞𝐝𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐨-𝐝𝐡𝐨𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐚𝐜𝐚𝐝𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝, kaas oo ku saabsanaa hannaanka illaalinta xeerka iyo siyaasadaha Tacliinta Sare ee Puntland uuna bixinaayey Prof mohamed abdi adan.

Agaasimaha Tacliinta Sare Mudne Cabdirisaaq Maxamed Faarax ayaa ka warbixiyey geeddi socodka Taya- dhowrka Jamacadaha iyo in la illaaliyo dhammaan nidaamyadda Tacliinta sare ee Puntland.

Tababarkaan waxaa jamacadda citycot uga qaybgalay madaxa waaxda cilmibaarista tayo- dhowrka 𝐃𝐫 𝐚𝐛𝐝𝐢𝐫𝐚𝐡𝐦𝐚𝐧 𝐀𝐰𝐤𝐨𝐦𝐛𝐞,

isagno madasha ka jeediyey warbixin ku saabsan hanaanka shaqo ee waaxda iyo siday u ilaaliso tayada waxbrashada Jaamacadda.

Ugu damayn waxaa maalintii ugu damaysay tababarka soo xiray agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo taclinta sare Mudane Maxamed cali nuur ( Jubba) isago jamacadaha kula dardaarmay fulinta Habraaca tayo-dhowrka oo shirka lagu ansixiyey.

wpChatIcon